6.4 C
New York
Thursday, April 17, 2025

Buy now

SUNNO AAN LA BADALI KARIN!

Dambigii ugu horeeyay ee Alle(sw) lagu caasiyay wuxuu ahaa “Kibirka”. Kheyr laawihii ahaa ibliis sababta loo lacnadey ee janada looga soo saaray waxey ahayd kibir iyo inuu diidey amarka Alle(sw), wuxuuna yiri: “Ma anigood dab iga abuurtay ayaan u sujuudaa mid aad dhoobo ka abuurtay”.

Rasuulkeenii Suubanaa ayaa sidoo kale saxaabada u sheegay inuusan janada galeyn nin qalbigiisu ku jiro wax yar oo kibir ah. Su’aal ayay weydiiyeen oo dheheen: “Rasuulkii Alloow, ninku wuxuu jecelyahey inuu dhar fiican iyo kabo fiican ku labisto ee bal ka waran?”. Wuxuu u sheegay in isqurxuntu tahey calaamad uu Alle(sw) jecel yahey laakiin kibirku yahey labo arimood: 1) Xaqa oo la diido 2) Dadka oo la xaqiro.

Erayada lagu garto kibirka, diidmada xaqa, iyo xaqiridda dadka kale waxaa kamid ah: Yaa wax naga qaadi kara? Ninkan muxuu tari karaa? Reer hebel xaq uma leh inay na xukumaan? Yaraan baad tihiin? Yaa naga laandheereeraysan? Kibirka iyo xaqiraadda dadka kale waxaa kamid ah in dadka kale lagu been abuurto oo laga sheego waxeysan aheyn.

Sunnadda Alle(sw) waxaa kamid ah in wax walba oo sare taga ay hoos usoo noqdaan. Sida xadiis bukhaari lagu wariyay, Rasuulkeenii Suubanaa ayaa wuxuu lahaan hal lagu magacaabo “Cadbaa’a”, waxeyna aheyd mid aan orodka lagu gaadhin markii geela la tartansiiyo. Waxaa muddo kadib yimid nin reer baadiye ah oo wata qurbac aan raar gaadhin. Tartankii la galey waxaa ugu dambeyntii ku guuleystay qurbacii ninka. Arrinkaas wuu ku adkaadey saxaabadii laakiin waxaa halkaas kasoo baxey cashir uu rasuulku noo wada sheegay oo uu yiri: “Alle(sw) wuxuu isku waajib yeelay in wixii uu adduunkan kor ka yeelo inuu dib u celin oo hoos geyn”.

Qofka caqliga leh waa midka umadda uga faa’iideeya inta uu kor jiro isla markaana uu camalkiisa Alle ugu dhowaado. Ma aha inuu sugo inta uu hoos uga soo dhacayo booskiisa.

Ilaahey quluubteena haka saaro kibirka, xasidka, iyo xaqiraadda dadka kale.

Ilaahey ha idin barakeeyo!

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles